Beled-xaawo: Shaqaale u shaqeynayay Hay’ad samafal oo la Afduubtay

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Shaqaalo hay’ad samafal ay Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ka afduubteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Shaqaalahaan oo gaarayay laba ayaa waxaa la sheegay in laga afduubtey degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo,isla markaana ay u Shaqeynayeen Hay’ad lagu Magacaabo Hirda.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in labada Ruux ee Hay’adda u Shaqeynayay ee la afduubtey ay ahaayeen Soomaali,hayeeshee aysan weli ogaan halka lala aadey.

Majirto Warar mada banaan oo xaqiijinaya inay Al-Shabaab afduubteen labada Qof ee ah Shaqaalaha hay’ad safamal oo ka howlgasha Gobolka Gedo,hayeeshee horey ay Shaqaale u afduubteen walow markii dambe ay dib kasoo daayeen.