Burkina faso: 20 Ruux oo lagu dilay weerar

In kabadan 20 ruux oo shacab ah ayaa lasheegay in ay ku dhinteen weerar ka dhacay waqooyi galbeed dalka Burkino Faso.

Weerar oo ka dhacay xaafada Bani oo u dhaw caasimada dalkaasi, ayaa la sheegay inay soo qaadeen koox aanan haybtooda lagaraneenin oo sitay mootooyin.

Weerarkan waxa uu imaanaya todobaad uun kadib, markii 39 ruux ay ku dhinteen weerar ay koox mintidiin ah ka gaysteen suuq ku yaalo magaalada Silgadji.

Bilihii ugu danbeeyay Gobolka Saaxil ayaa waxaa kusoo badanaayay weerarada ay kooxaha jihaadiyiinta ay ka geesanayaan dalalka ku yaalo gobolka.

Dowladda Faransiiska oo ay gobolka ka joogaan in kabadan 5,000 oo askari ayaa sheegtay in 600 oo askari oo dheeraad ah ay u dirayaan.