Jubbaland oo sheegay inay dishay xubin sare oo katirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay Hawlgallo ay ciidanka ammaanka Jubbaland ka sameyeen deeganada dhaca Galbeedka Kismaayo gaar ahaan Beerxaani aaga Labi-kuus in lagu dilay Sarkaal ka tirsana Xoogaga Al-Shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Mukhtaar.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in Howlgalkaasi sido kale lagu soo furtay Qori Ak-47 iyo saanad kale.

Wali dhanka Al Shabaab wax war ah kama so bixin.

Degaanada Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday howlgallo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay intooda badan wadaan Ciidanka Daraawiish-ta Jubbaland, waxaana howlgadaas qaarkood lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab.