Madasha Xisbiyadda Qaranka oo qaadacday Doorashada Galmudug (Akhriso)

War-Saxaafadeed kasoo baxey Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa walaac looga muujiyey doorashooyinka is diidan ee ka dhacay deegaano ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug.

War-Saxaafadeedka oo ku qoran luuqada Ingiliishka ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada Siyaasadda isaga soo horjeeda in wada hadal dhab ah leysugu yimaado si xal loo gaaro.
Qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran oo u muuqda mid ku socda Beesha Caalamka ayaa u muuqdey mid looga soo horjeedo doorashadii shalay ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb.

Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaranka.