Mareykanka oo ka hadlay duqayn ka dhacday J/dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay hawlgalka dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku beegsadeen qaar kamid ah xubno kamid ah dagaalamayaasha al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa dhanka cirka ayaa sigaar ah kaga dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalayaasha al-Shabaab, AFRICOM ayaana warkeeda ku sheegtay in lagu qaarijiyay mid kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab, iyadoona sidoo kale sheegay in qiimeen ay sameeyeen weerarka kadib ay ku xaqiijiyeen in ay waxyeelo soo gaarin dadka shacabka ah.

Madax hawlgalada Africom William Gayler, ayaa sheegay in dagaalayaasha al-Shabaab ay qayb ka yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dunida kajiro ayna doonayaan in sara ay usii qaadaan weeraraooda jihaadiga ah.

 “”In aad disho hal ruux oo kamid ah argagaxisada ayaa gobolka iyo Mareykankaba ka dhigeeso mid bad qaba, iyadoona ay sii socon doonaan cadaadiska looga hortagayo al-Shabaab”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gayler.

Dabayaaqadii bishii tagtay ee Janaayo, ayay aheyd markii weerar ka dhacay meel u dhaw magaalada Jilib lagu dilay xubin katirsan dagaalamyaasha al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay weerarada dhanka cirka ah, ee ay diyaaradahoodu ka geystaan Soomaaliya, waxaana sanadkii tagay ee 2019-kii uu noqday kii ugu weerarada badnaa, diyaaraha Mareykanka ayaana Soomaaliya ka gaystay in kabadan 60 weerar oo dhanka cirka ah kuwaas oo badankood lala beegsaday goobaha ay dalka kaga suganyihiin xubnaha katirsan dagaalamyaasha al-Shabaab.