Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Dowladda oo digniin adag loo diray (VIDEO)

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Janeraal liibaan Cali Yarow oo qaar kamid ah saraakiisha iyo askarta ciidamada xoogga dalka kula hadlayay gobalka gedo ayaa waxa uu ku amray in aysan ka qayb qaadan karin arrimo la xiriira qabiil iyo siyaasadd.

Gen. Libaan Cali Yarow ayaa sheegay in sarkaalka iyo askarigaba ay xaaraan ka tahay ka qayb qaadashada arimaha qabiilka iyo siyaasadda wixii ka dabeeya maalinta uu Askari in uu naqdo uu qorto.

Waxa uu tilaamaamay in masuuliyad ay ka saran tahay saraakiisha iyo ciidamada sugidda amniga qof walba ee kunool goobta lagu ogyahay sugidda amnigeeda balse aanan loo ogeleyn in wax ka baxsan intsaasi ay sameeyaan.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Janeraal liibaan Cali Yarow waxaa uu sheegay in askarta iyo saraakiishaba ay waajib ku tahay in ay u hoggaansaaan awaamiirta madaxda shaqadoodana aysan dayicin.