VIDEO: 150 Arday oo Reer Puntland ah oo maanta u amba-baxay Turkiga

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaa maanta ka dhoofay 150 Arday oo reer Puntland ah oo waxbarasho u aaday dalka Turkiga safarka waxbarasho ee Ardaydaan waxaa fududaysay Shirkadda Sahal Enterprise oo kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Munaasabad lagu soo xirayey barnaamijkaan Waxaa xalay Garowe kaga qayb galay Masuulyiin ka tirsan Wasaarada waxbarashada.

Waxaana 150 Arday ku guulaysteen Imtixaanka Aqbalada Jaamacadaha Turkiga oo dhawaan lagu qabtay Magaalooyinka Bosaaso ,Garowe iyo Gaalkacyo .