VIDEO: Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag oo yeelanaysa saldhigii ugu horeeyey oo Boolis

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo wehlinayaan Wasiirada Amniga, Maaliyadda, Waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Taliyaha qaybta Booliska gobolka, waxgaradka iyo cuqaasha magaalada Ceelbuh, ayaa maanta dhagax-dhigay saldhiga Booliska Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag.

Saldhigan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee laga hirgaliyo magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag waxaa kharashka ku baxaya bixinaya Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo deegaan doorashadiisu ay tahay, waxaana talabaadan ka mahadceliyey cuqaasha iyo waxgaradka magaalada.

Guddoomiye C/rashiid ayaa sheegay in saldhigan uu ka qeyb qaadanayalo amniga iyo hormarka Magaalada Ceel-buh, isagoona intaas ku daray inuu rajeynayo in 45-cisho gudahood lagu dhiso saldhigan.

”Magaaladan waa magaalo weyn, oo aad u baaxad weyn runtii, sidaas daraadeed waxay baahi u qabtaa xaruntii booliska iyo xaruntii degmadu ay ku shaqeyn lahaayeen, maadaama marar badan odoyaashu ay soo codsadeen in magaalada ay rabaan in horey ay u sii socoto, oo heer degmo gaadho, sidaa awgeed waa in waxyaabaha aasaasiga ah ee dawladnimadu ka bilaabanto ay yeelataa, markaa maanta waxaan dhagax dhignay Saldhigii booliska ee magaalada Ceelbuh, oo aan rajayn-doono in mudo 45-cisho gudahooda uu ku dhameystirmo”. ayuu yiri Gudoomiyaha golaha Wakiillada oo hadal kooban ka jeediyey madashii dhagax dhiga Saldhiga.