VIDEO: Xildhibaanada BJFS ee laga soo doorto Puntland oo si adag ugu jawaabay Wasiir Goodax

Xildhibaanada labaad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Degaanada Puntland, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada DFS C/llaahi Goodax Barre, kaas oo hadalo gaf u badan, kana dhan ah Dowladda iyo Shacabka Puntland iyo Dastuurka KMG ah ee JFS.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu u gafay Dowladda Puntland iyo Dastuurka dalka, sidoo kalena uu been abuurtay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee matala Puntland, iyagoona intaas ku daray in uusa Mudnay jawaab iyo in laga hadlo hadalkiisa, ayna jawaab cad ka sugayaan Madaxda Dowladda Federaalka oo ay la kulmi doonaan.

Halkaan Riix si aad u daawato Shirka Jaraa’id ee Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga doorto Puntland ayaa ugu baaqay ardayda iyo waalidiinta Reer Puntland inay hubaal tahay inay helayaan Shahaadooyinka ay xaquuqda u lee yihiin, taasna uusan shaki geli karin.

“Ardayda Reer Puntland waxaa u sheegayaa ku laab qabowsaday, annagu Xildhibaano ka ahaan mayno Dowladda Federaalka Soomaaliya, idinkuna Shahaadooyinkiina weyn maysaan” ayuu yiri Xildhibaan Maas oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ee laga doorto Degaanka Puntland.