Xildhibaan Fiqi oo si kulul ugu jawaabay Safiirka Mareykanka

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aanka uu shalay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ugu aqoonsaday Axmed Cabdi Qoor Qoor inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Galmudug “aysan ahaynb gobol ku dhexyaalla Maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.”

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran.

GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo khilaafka jira, hal meelna la isugu soo uruuriyo maamuladaas isdiidan.

Afar sano ka hor Galmudug oo cusub oo aan khilaaf badan ka dhexjirin ayaa madaxdii joogtay ay ku fashilantey hogaaminteeda iskaba daa ayadoo kala qeybsan maanta.

Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato In ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhexyaalla Maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.

Waxaan dadka reer Galmduug xusuusinayaa inuusan u oolin dabaaldegid iyo hambalyo diris ayadoo ay Galmudug gudaheeda ay ku sugan yihiin 3 maamul oo hey’adahoodii barlamaanka wada wata, waxaan ka shaqsi ahaa qeyb ka noqon doonaa dadaalada nabadda iyo wadahadalka ee Galmudug lagu midaynayo si maamul dadkeedu raalli ka wada yihiin loo helo.