Ciidanka Jubbaland oo dagaal kula wareegay degaanka Haawina

Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmadaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen degaan lagu Magacaabo Haawina  oo ay ku sugnayeen Al-Shabaab, waxaana la sheegay in dagaal kooban oo labada dhinac halkaasi ku dhexmaray ay Ciidanka Jubbaland kula wareegeen deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.

Wararka ayaa Intaasi ku darayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaarey dagaalka, hase yeeshee aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijineysa.

Shalay ayay aheyd markii gaari ay dad shacab ah  la socdeen uu qarax ku haleelay inta u dhaxeyso Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la xaqiijiyay in qaraxaasi ku geeriyoodeen afar qof, halka  lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay wadaan howlgallo ay Al-Shabaab uga saarayayaan deegaanada Gobolada Jubbooyinka.