Gedo: Ciidan horey uga biiray garabka DFS, oo Jubbaland dib ugu soo noqday

Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa dib ugu laabtay xeryohoodii ciidan, kaddib markii ay isaga soo baxeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo dhowaan sheegtay inay diiwaan-gelin ciidamadan u samaynayso mudooyinkii tagay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland mudane Cabdiraxman Maxamad Xassan, ayaa sheegay in ciidankan oo si sharci darro ah lagaga soo saaray xeryohoodii laguna khasbay in ay isu diiwaan galiyaan in ay kamid yihiin ciidanka xukuumadda federaalka ay haatan dhamaantood dib ugu laabteen xeryohoodii iyaga iyo hubkii ay wateen.

Madaxda federaalka dalka ayaa mudooyinkii dambe ku hawlanaa in ay xiisad dagaal ka dhex abuuraan shacabka wada daga gobolka Gedo iyaga oo isku dayay in ay ciidanka Jubbaland ee gobolkan ku sugan kala qaybiyaan waana isku day ay ku guul darraysteen sida ka muuqata talaabadan isku duubnida muujinaysa ee ay ciidanka daraawiishta Jubbaland ku dhaqaaqeen.

Culimada, wax garadka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Gedo ayaa cambaareeyay qaran duminta ay madaxda xukuumadda federaalka dalka la damacsanyihiin gobolka iyaga oo ugu baaqay in ay hakiyaan hawlahan cawaaqibta aadka u xun yeelan kara.