Madaxweynihii hore ee Kenya oo geeryooday

Madaxweynihii hore ee dalka kenya Danial Arab Moi, ayaa geeryooday saqdii dhexe ee xalay, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Kenya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa kuna jirey Isbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo lagu daweeynaayey ,ugu dambeena uu xalay geeriyoodey.

Moi oo da’diisu ay ahayd 94 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi oo dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii.