Video:-Pelosi iyo Trump oo dagaalkoodii fogaaday

Trump ayaa iska dhaqaaqay markii ay Pelosi gacanta usoo taagtay oo ay damacday inay salaanto. Muuqaalada tooska ah ee la baahiyay ayaa laga dheehan karay Donald Trump oo iska indha tiraya salaanta Pelosi.


Pelosi ayaa markii uu Trump ka dhaqaaqay waxaa wajigeeda laga dheehan karay wajigabax iyo inay la yaabtay sababta uu madaxweyne Trump u salaami waayay, waana ay dhoolacadeysay.

Haseyeeshee markii uu madaweyne Donald Trump dhameeyay khudbadda ayaa Nancy Pelosi waxaa ay jexjeexday waraaqihii ay ku qornaayeen khudbadii uu jeediyay Trump ee uu ku wareejiyay, arrintaas oo dad badan ay la yaabeen.

Pelosi ayaa markii ay waraaqaha jeexjeexda ku hordaadisay miiskii ay fadhiday, waxaana wajigeeda laga dheehan karay caro iyo in aysan ku qanacsaneyn sida uu Trump ula dhaqmay.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeya Trump iyo afhayeenka aqalka Kongreska ayaa haatan u muuqda mid kasii daraya, waxaase aan la ogeyn waxa uu sharciga Mareykanka ka qabo hab dhaqanka madaxa, haddii ay u dhaqmaan si aan munaasab ahayn.

Xiriirka u dhaxeeya madaxweyne Donald Trump iyo afhayeenka aqalka Kongreska ma ahayn mid wanaagsan muddooyinkii dambe, waxaana Pelosi ay kamid ahayd dadka uu aadka u dhaliilo Trump.

Pelosi oo katirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay kamid tahay siyaasiyiinta dabada ka riixaya xil ka qaadista Trump, waxaana ay marar badan ku celcelisay in madaxweyne Trump uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka, sidookalena uusan sii ahaan karin mas’uulka ugu sareeya Dowladda Mareykanka.

Halkan ka daawo muuqaalka