Agaasimihii Tv-ga oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Puntland Oo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Boosaaso: February 6, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
  2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu Magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland,waana saxiixay.