Maxay tahay sababta xilkii looga qaaday Agaasimihii Tv-ga Puntland

Puntland Tv waxaa laga joojiyay qandaraas uu ku guulaystay,kaasoo ahaa xayaysiin ay bixinayeen Gudiga doorashada Fadaraalka.

Xayaysiinta,ayaa lagu qaadanayay 15000-dolar labadii Todobaad,waxaana utartamayay dhamaan Tv-yada Somalida.

Qandaraas siinta PLTV ee Gudiga doorashooyinka fadaraalku waxay ka lahaayeen ujeedo qarsoon.

Agaasimaha Tv-ga Carab oo heshiiskan galay,ayaa shaqadiisii ku waayay oi Madaxtooyadu xilkii ka qaaday amarna ku bixisay in la joojiyo baahinta Barnaamijkaas.

Dowlada Puntland waxay si cad udiidan tahay Gudiga Doorashooyinka Fadaraalka iyo qorshahoodaba,waxayna saakay albaabada iskugu dhufatay Xaafiiskoodii Garowe.

Talaabadan waxaa durba si weyn u soo dhaweeyay Shacabka Puntland.

Jibril Qoobey.