Video:-Nabadoon ka tirsanaa Alshabaab oo isku soo dhiibay Jubaland

Ciidanka ammaanka Jubbaland ee Degmadda Af-madow ,waxaa isku soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaan Maadeey.

Waxaa uu kamid ahaa Odayaasha dhaqanka ee ay sameysteen kooxda argagixisadda Al-Shabaab isagoo Ugaas u ahaa beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Maadeey,ayaa in Muda ah la shaqeynayay kooxda Shabaab, waxuuna sheegay in dhibaato ay kooxda u geysatay kaddibna uu ka soo baxsaday Degmadda Jilib laba cisho ka hor.

Maamulka degmadda Af-Madoow iyo laamaha ammaanka Jubbaland ayuu uga mahadnaqay sida ay u soo dhaweeyeen,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka