Dib uhabaynta Ciidamada oo gaartay Bari

Guddiga dib-u-habaynta Ciidamada Dawladda Puntland ee uu hoggaaminaayay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib-u-habaynta Ciidamada ayaa saxida iyo diwaan-galinta Ciidamada Booliska iyo birmadka ka bilaabay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Kooxaha diwaan-galinta iyo hubinta Caafimaadka ayaa la geeyay Goobaha Ciidamada ee gudigu shaqada ka wadan si loo ogaado tirada Ciidamada la diwaan galiyay.

Mudane. Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa ku wehlinayay daah-furka Ciidanka Booliska iyo Birmadka Boosaaso, Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere.

L