Cabdiqaybdiid qaatay qandaraas Qoor-Qoore lagu keenayo Gaalkacyo

Kooxda Nabar iyo Naxdin waxay uyeereen Cabdiqaybdiid waxayna ku yiraahdeen lacag Hal Milyan oo dolar ah qaado kaxeena Qoor-Qoore.

Kooxda Nabar iyo Naxdin waxay Cabdiqaybdiid usheegeen in uu geeyo Qqor-Qoore Deegaamada beesha Sacad ay degto ee kala ah…

1.Baraxley
2.Hobyo
3.Galinsoor.
4.Bandiiradley.

Cabdiqaybdiid soo jeedintaas markii hore waa ka gows adaygay,balse ugu danbayn waa aqbalay,waxuuna heshiiskii ula tagay Waxgarad iyo siyaasiyiin beesha Sacad ah.

Is xog waraysi dheer kadib haldoorkii beesha Sacad waxay Qaybdiid kula taliyeen laba arimood oo kala ah..

B.In heshiiska loo badalo Nabadayn oo qaab dib uheshiisiineed lagu galo hawsha.

T.In Khayre marka hore magacaabo Wasiir horay Sacad loogu balan qaaday.

Qaybdiid taladaas waxuu kula laabtay kooxdii Khayre iyo Fahad,waxayna usheegeen in ay mid aqbalayaan,taasoo ah magacaabista Wasiirka ,lkn tan nabadaynta aysan diyaar u ahayn oo uu kaliya kaxeeyo Qoor-Qoor soona mariyo dhulkaas wax kale oo laga rabaana aysan jirin.

Qaybdiid waa aqbalay soo jeedintaas waxuuna isu diyaarinayaa xiligan galbinta Qoor-Qoore ee Deegaamada Sacad.

Khayre iyo Fahad waxay beesha Sacad ubalanqaadeen magacaabista Wasiirka arimaha dibada Todobaad gudihiis,waxayna udhiibayaan booskaas Ina Cali Kulane.

Cawad,ayaa la xoori doonaa ,waxaana Wasiirka arimaha gudaha laga dhigi doona Nin udhashay beesha Majeerteen oo hada ah lataliyaha amniga Qaranka ee Farmaajo.

Qaybdiid waxuu leeyahay inta badan Maleeshiyada iyo Hubka uu wato Qooje Dagaari,waana midaas waxa uu wax ku iibsanayo.

Qooje Dagaare,ayaa xiligan ku jooga fasax qoys dalka Sweden,sidaan xogta ku helay.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf oo taageera ka helaya beelaha reer Nimcaale iyo Jalaf ee Sacad,ayaa ku jira diyaar garow is difaac.

Jibril Qoobey.