Maleeshiyadii Xamar laga soo daad gureeyay oo koox-koox ufakanaya

7-kale oo ka mid ah dhallinyarada lasoo marin habaabshay,ayaa xalay ka gudbay Tuulada Barwaaqo Hubkoodiina way iibsadeen.

Dhalinyaradan,ayaa waxaa loogu soo sheekeeyay Tababar ayaad aadaysaan Qatar ah.

Sidoo kale waxaa kasii naxdin badan, in Garba-Haarey diyaarad looga soo qaaday dhallinyaro loo sheegay in D’Jabuti loo qaadayo,kadibna laga soo dajiyay Degmada Luuq.

Dhanka kale waxgarad kasoo jeeda beelsha Hiraab,ayaa lasoo xiriiray Jubalabd jana codsaday in aan laga layn dhalinyaradaas waxii isa soo dhiiba oo gacantooda lagu simo.

Maleeshiyada Xamar lasoo khalday ee diyaaradaha lagu soo daabulay waxay hada ku jiraan dawakh waxayna ubadan tahay in ay koox-koox ufakadaan.

Maxaa lugooyo socota!!!