Video:-Askari dad fara badan ku laayay Thailand

Askarigan oo lagu magacaabo Jakraphanth Thomma ayaa sabtida dilay 20 qof ayaa hubka uu weerarka ku geystay la sheegay inuu ka soo xaday xera militari.


Ninkan weerarka geystay oo farriimo ku aadddan weerarka uu geystay soo dhigay baraha bulshada ayaan weli la garan sababta weerarkaasi uu u geystay, haddana waxay wasaaradda gaashaandhiggu ku tilmaamtay inuu u ekaa qof dhimirka looga jiro.


Wasiirka cafimaadka dalkaasi, Anutin Charnvirakul, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay subaxnimadan Axadda qoraal uu ku bogaadinaya ciddamada ammaanka talaabada ay ka qaaden magaalada waqoyiga dalkaasi ku taala.
”waad ku mahadsantihiin booliska iyo milatariga sida aad u soo afjarteen xaaladda. ninkii wax toogtayna waa la toogtay!!!” ayuu yiri wasiirka.

Halkan ka daawo muuqaalka