Video:-Farmaajo oo Itoobiya Ciidan uga raadsaday qabsashada Gedo

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed,ayaa ka warbixiyey ka qeyb galka Madaxweynaha JFS iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee shirarkaas.

Agaasime cabdinuur,ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin qorsheyaasha xasilinta amni iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 8-Feb maalinkii la doortay Madaxweyne Farmaajo 3-sano ka hor,ayuusan wax hadal ah siin Shacabka,balse safar ana la shaacin,ayuu ugu dhoofay Itoobiya.

Safarka Itoobiya ee Farmaajo waxaa lagu xiriirinayaa in muhiimadiisu ay tahay sidii uu taageero Milatari ugu heli lahaa Dowlada Itoobiya Gulufkiisa ku aadan Gobolka Gedo marka laga soo tago shirarkan iska caadiga ah ee diblomaasiyadeed.

Gobolka Gedo oo ka mid ahaa Deegaamada xasiloon lagana saaray kooxaha argagixisada ah,ayaa hada waxuu galay xaalad dagaal,kadib Ciidamo laga soo daabulay Muqdisho oo Dowlada Fadaraalka ka tirsan,waxaana Beledxaawo isku hor fadhiya Ciidamadaas xamar laga soo daabulay iyo kuwa Daraawiishta Jubaland.

3-sano kadib guud ahaan dalka waxaa ka jira caro iyo nacid xoog badan oo loo qaaday hogaaminta Farmaajo.

Sidoo kale Farmaajo oo olalahiisii doorasho ku galay in uu yaraynayo safarada dibada ee aan macnaha badan ulahayn dalka kuna dhaliilay madaxdii hore in ay lacag badan ku khasaariyeen,ayaa hada noqday Madaxweynihii ugu socdaalka badnaa guud ahaan madaxdii dalka soo martay,waxuuna 3-sano ee lasoo dhaafay galay 68- socdaal.

Halkan ka daawo muuqaalka