Video:-Sidee loogu soo dhaweeeyay Muuse Biixi Adis?

Muuse waxaa soo dhoweeyey Wasiir ka tirsan Dowlada Itoobiya,sidii Farmaajo.

Muuse waxaa daba taagnaa askari ugaar ah sida Farmaajo.

Muuse Kursiga uu fadhiyay,waxaa loo ag dhigay Calanka maamulkiisa,sida Farmaajo.

Muuse,waxaa lagu galbiyay Baabuurta Madow oo Calankiisu ka dul babanayo ee Farmaajo lagu qaaday.

Muuse Gaadiidkii galbinayay Wadada,ayaa loo xiray sidii Farmaajo.

Dhamaan astaamahaasi waa kuwo Muuse Biixi iyo maamulkiisa kor usoo qaaday.

Sidoo kalena ilhaamo ku ah Farmaajo oo kal hore ku faanay in uu soo xiray Kanaaladii Wadamada dariska ah..

Sida xoguhu tilmaamayaan hab maamuuskan aadka usareeya laguna soo aadiyay Shirweynaha Midowga Africa,waxaa soo dadajiyay sadex arimood oo kala ah…

B.Abiye oo guushii Biladii Nopel-ka gaaray

T.Heshiiskii Afartii Dekadood ee Farmaajo usaxiixay Abiye,isagoo ka wakiil ah Imaaraadka oo aan uhirgalin sidii balantu ahayd,iyadoo Farmaajo awoodi kari waayay in uu horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka.

J.kulankii Asmara oo Farmaajo go’aan cad ka qaadan waayay soo jeedintii Abiye iyo Asiyaas ee ahayd in uu kala doorto xiriirkooda iyo kan Qatar.

Sida muuqata soo dhaweynta Muuse ee Adis-ababa waxaa lagu karbaashayaa Farmaajo.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10157933803691878&id=742346877

Jibril Qoobey.