Arrinta Jubaland yaan la dhayalsan!!

Arrinta Jubaland yaan la dhayalsan

Markii mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku guulaystay doorashaddii madaxtanimda ee Jubaland, DFS oo ay hor-kacayaan Farmaajo iyo Khyre durbadiiba waxay la soo boodeen in aynan aqoonsanayn. Waxay ku andacoodeen inaan la marin dariiqii saxa ahaa oo ah kay iyagu rabeen inay ku soo saartaan musharraxooda.

Cunaqabateynta Shacabka

Muddo haddii wax iska badaliwaayeen guushii Axmed Madoobe, ayey waxay gobalka oo dhan iyo shacabka ku soo rogeen cunaqabatayn dhanka hawada.  Oo la yiri diyaaradii u socota Kismaayo, meel kaste ha ka soo kacdo, waa inay marka hore Xamar soo martaa.

Waxayd ahayd ciqaab si gaar ah u saamaysay dadka shacabka ah oo danyarta ah ee gobolkaas ku nool. Waayo qofkii markii hore diyaarad ka soo raacijiray Dhooblay, Kismaayo wuxuu ku imaan jiray qadar nusso saaca ah, waxaana ku bixi jirtay wax ka yar $100. Xayiraada ka dib waxaa dhacday diyaaraddii Dhooblay kasoo duushay oo kismaayo u socotey, inay marka hore u duusho Xamar. Waxaa dhacday in qofku meeshii uu ku iman jiray Kismaayo saacad barked uu ku yimaado 5 saac ku dhawaad. Mararka qarkoodna in qofku habeyn ku hoydo Xamar. Kharashkii diyaaradda oo markii hore ka yaraa $100, wuxu gaaray ila $300 ku dhawaad. Waxaa kaloo la shageeyey cunaqabateyno kale in lagu soo rogay Jubaland balse aynan DFS shaacin. Taasina waxba kama badalin doorashadii Jubaland.

Ciidama Gedo lagu Dabaabulayo

Maanta waxay maraysaa in ciidan la yiri waxay ka tirsanyihiin Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS) lagu soo dabaabulo meelo ka mid gobolka Gedo oo ka tirsan Jubaland, sida Beled-Xaawo iyo Doolow. Wasiirka Warfaafinta DFS yaa waxaa laga hayyaa hadal ah in ay ciidanka Gedo loo diray ilaalinayaan xuduudaha wadanka, oo ah waajibaadka dawladda dhexe. Haddii ay saas tahay cid wax ka qabilahayd ma jirteen.

Balse su’aasha u baahan in laysweydiiyo waxa weeye yaa laga ilaalinayaa. Cadawga inoogu weyn, nooguna daran waa Al-Shabaab. Qolyahan meela badan oo wadanka gudihiisa heysta oo iyagu maamulaan, Xamar gudaheeda canshurta ka aruursada, garsoorka ka fuliya, xayndaabka Villa Soomaliyana ka fuliya qaraxyo isdaba jog ah, in la yiraahdo ciidankii la dagaalami lahaa waxaa la geynayaa xudduuda u dhaxaysa Somaaliya iyo Kenya waa wax caqliga saliimka ah ka fog.

Sidoo kale, labada wadan oo an xudduuka la leenahay, oo an isku haysan jirnay dhul iyo xudduud (welina aanaan ka tanaasulin) waa Itoopia iyo Kenya. Labadoodana ciidankoodii yaa wadankeena gudihiisa dhex fadhiya oo leh waxaan idnka difaacaynaa shabaabka ad u tabar iyo taag weydeen. Marka macquul ma tahay in iyaguna leeyihiin shabaab baan wadankiina gudihiisa kula dagaalamaynaa si aan idiinka difaacnoh, annaguna niraahno ciidan baan xudduudaha geyneynaa is aan labadaan wadan iskaga ilaalino. Waa xeel ciidanoo cusub oo cajiib ah.

Burburiska DG Jubaland

Markaad intaas aragto, waxaa kuu soo baxaya in ciidankaan Gedo la geeyey shabaab iyo cidkale u socon, balse la doonayo in DG Jubaland lagu burburiyo, markaas haddii lagu guulaystana la dhiso maamul daacad u ah Farmajo iyo Khyre.

Wax cusub ma aha. Bal fiiri wixii ka dhacay dooroshooyinkii DGyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Labadoodaba figtii uugu horeysaba waxaa la dul dhigay ciidan, hub, iyo lacag. Labadoodaba figtii uugu horeysey yey Farmajo iyo Khyre ku guuleysteen inay ka askumaan laba maamul oo u daacad ah.

Jubaland iyo Puntland waxay noqdeen kuwa ilaa iyo maanta loo caal waayey oo ay ku guul-dareysteen inay xayndaabkooda soo galiyaan, balse aynan weli ka quusan. Dabcan sheydankuba caqligiisa waa qabaa oo way ogyihiin inayna maanta labadaan gobol dagaal mar keliya ku wada qaadikarin.

Al-Shabaab iyo DFS oo u Saaxiibay Jubaland

Waxay go’aansadeen inay Jubaland ku hormaraan oo ay dagaal ku qaadaan. Waayo iyadu waa ka da’aad yartahay Puntland, oo maamulkeedu si fiican uuma xidideysan. Dhan waxaa ka mushquulinaya Al-Shabaab. Miyeynan la yaab ahayn in maanta Jubaland ay u saaxibaan Al-Shabaab iyo DFS. Jubaland maanta waxay ku jirtaa qaaba-qawseyn (between the devil and the deep sea). Mana aha in lagu fiirsado oo ay ku kaliyeysato.

Soomaalo dhan xil baa ka saaran arrintaan, loona baahanyahay inay ka gilgishaan, kana hadlaan. Puntland xil gaar ah ayaa ka saaran. Waayo waa mar eh doon bay wada saaranyihiin Jubaland. Oo haddii dawladda NN ku guuleysato burburka Jubaland, cidda ku xigtaa waa iyada. Marka kale, DGyada ka tirsan DFS iyadaa uugu fac weyn, xag khibrad iyo dhaqaaleba iyadaa uugu tug tug roon.

Dawladda N&N maanta waxay isku arkaan in khiddadoodii cudud iyo lacag wax ku maquuni uga shaqeysey DGyada Koonfur Galbeed iyo Galguduud. Inta ay taasi u shaqeynayso, N&N diyaar uuma aha in miis lasoo wada fariisto oo khilaafaadka jira wada hadal lagu dhamaysto. Balse haddii Gedo lagu joojiyo dubnadaan iska dabadhacaysa, oo la tusso inaan xoog wax lagu maquunin karin, waxaa soo noqonaysa rajjada in wadahadalku noqdo lama huraan.

DP Puntland waa inay ku darsataa qodobada lagu gorfaynayoo shirka wadatashiga ah bisha soo socota, si mug lehna uuga baaraan degtaa sidii loo joojin lahaa dubnadaa iska daba dhacaysaArrinta Jubaland yaan la dhayalsan.

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

Abdihakim H. Hersi