Baaqa Madaxweyne Deni

Baaqa Madaxweyne Deni

Waan soo dhaweynayaa iclaaminta Madaxweynaha Dawladda Puntland (DP), Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uu iclaamiyey shirka wadatashiga ee la isugu imaanayo magaala madaxda Puntland, Garoowe, bisha soo socota 15keeda, isla markaasna loogu baaqay inay ka soo qeybgalaan xubnaha reer Puntland uugu jira Aqalka Sare iyo kan Shacabka DFS.  Sidoo kale waxa loogu baaqay inay ka soo qeybgalaan Issimada, siyaasiinta, iyo waxgaradka reer Puntland.

Caadiyan, dawladda iyo laamaheeda kala duwan ayaa u igman, loogana fadhiyaa go’aan ka gaarista hawlaha gobolka, la macaamilka dawladda dhexe (DDH), dawlad goboleedyada (DG), hay’adaha caalamiga ah, iyo wixii la mid ah. Balse maantoo kale oo ay xaajadu aad iyo aad u murugsantahay, khaasatan cilaaqaadka (ama cilaaqaad la’aanta) DP iyo DFS, waa lagama maarmaan in golaha wadatashiga la ballaarsado. Sidaas daraadeedna, Madaxweyne Deni waa ku mahadsanyahay taladaas gogol-badsiga ah oo u soo jeediyey.

Baraarujinta Shacabka

Bisha ka hartay wakhtiga shirka la qabanayo, ugu yaraan laba waxyaaloodba in la qabto waa muhiim. Mana aha in madaxda DP moogtahay, balse waxay iga tahay ku adkayn.

Tan kobaad, in shacabka reer Puntland si hufan oo aynan ku jirin caadifad, shakhsi nacayb looga dhaadhiciyaa dhibaatooyinka jira. Ha laga boxo fikirka ah shacabku waa ogyahay. Shacabku wuxuu iskugu jiraa arday ku mashquulsan waxbarashadooda iyo kuwo cayrinya quutul-yoonkooda. Wixii ay suuqa ka maqlaan waxaa ku jira wax badan oo khaldan oo DFS ay ka dhex wado gudaha Puntland. Shacabka qudhiisa in fikirkooda la ogaado waa lagama maarmaan. Baraarujinta shacabka waxay kor u qaadeysaa qiyamka iyo muhimada shirka. Shirku yuusan noqon mid afar siyaasi inta qol isku soo xirtaan ka soo saaran bayaan.

Dastuurka iyo Federaalismka

Waxaan qabaa inay uugu weyntahay oo aasaas utahay dhibaatooyinka jira hareer-marka la hareer maray ku dhaqanka, hirgelinta, iyo horu-marinta dastuurka iyo nidaamkii lagu heshiiyey ee federaalismka. Dawladdii madaxweyne Hassan Sheikh way ka gaabisey hirgelinta nidaamkaas, tan hadda joogtaana kaba daran. Waayo waxay u dhaqmeysaa ka annaama uusan nidaamkaasi jirin. 

In shacabka la tuso in madaxda maanta hogaanka u haysa DFS aynan ahayn kuwo ka shaqaynaya maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, balse kuwo ka shaqeyneya kala qoqobkooda iyo isku dirkooda, si ay markale xukunka uugu soo laabtaan. Tusaale waxaa u ah faragelintii qayaxnayd ee ay ku farageliyeen doorashooyinkii madaxda DG. Dabcan way ku guul-daraysateen Puntland iyo Jubaland, waana waxa ay cadaawadda iyo dagaalka dhan walba ah uugu qaadeen, kuwaas oo weli socoda.

Ardeyda iyo Dhalinyarada

In dhalinyarada loo bidhaansho hagardaamada dawladda ay Farmaajo iyo Khyre hor kacayaan. Waa la wada xasuustaa Markii RW Khyre Gaalkacyo yimid isaga oo an imaatinkiisa an ka tixgelin madaxda DP.  Dabadeedna waa tuu shiriyey dhalinyarada isagoo isticmaalaya ereyo loogu soo qoray warqado oo la doonayey in lagu beerlaxawsado dhalinyarada. Halkaas wuxu ku bixiyey $50,000 oo u yiri ha loogu daro dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale. Mar labaad waa khalad kale oo uu ka galay madaxda DP oo uu uugu gacan dhaafay guriga ay iyagu ka taliyaan. Dabcan Khyre iyo Farmajo qasdigoodu wuxuu ahaa iska horkeenka dhalinyarada reer Puntland iyo madaxdooda. Taasi waa shqeynweysey. Hadda waxay isku badashay haddii lacagtii shaqeynweydey, ardeyda iyo waalidkooda ha la handado oo ha la yiraaho shahaadadii dugsiga sare heli meysaan haddii madaxdiina iyo dawladdiina anaga na hoos imaan. Dabcan inteer oo kale oo madaxda DP ogyihiin ayaa jira oo u baahan in shacabka lala wadaago.

Tan labaad, iyaduna waa waxaad ogtahay ma kuu sheegaa. Waa lagama maarmaan hawlwadeenada DP inay diyaariyaan qodobada ay rabaan in shirka lagu falanqeeyo, iyagoo ku darsandoona kuwii ay ku soo biiriyaan dadka shirka ka qeybqaadanaya.

Bareeraheyga

  1. Ma qabo in shirkaani noqdo mid looga dhawaaqo go’amadii kama danbeysta ahaa. Balse uu noqdo mid lagu soo aruuriyo wixii talo ah, dabadeedna Madaxweyne Deni iyo xukuumadiiso dib iskugu noqdaan, isku shaandheeyaan wixii iyagu shirka ka horow damacsanaayeen iyo wixii shirka uuga soo siyaaday, dabadeedna madaxweynuhu gaaro go’aamada kama danbeysta ah.
  1. Ma qabo in la go’aansado in la yiraahdo Soomaaliya waa ka goosanaynaa, ama la raadsho ku dhaqanka nidaamka loo yaqaan “confederation” oo an waxba ka sokeyn goosasho. Waa in la kala saara dawladda Soomaaliya iyo Soomaaliya. Walaalaheena Wuqooyi Galbeed tabashadoodu waa Soomaaliya. Puntland iyo inta la fikirka ah tabashadoodu ma aha Soomaaliya balse waa dawladda Soomaaliya.
  1. Rajjo weyn kama qabo in go’aamada kasoo baxa wadatashigaan wax ka badalayaan arrimaha cakiran. Balse waxay reer Puntland, shacab iyo dawladba, u noqon karaan fursad qaaliya oo ay ku mideyn karaan awoodahooda dhaqaale, maskax, iyo muruqba, dibad iyo gudahaba, si ay wadajir ahaan uuga hortagaan khataraha ku soo socdah. Sidoo kale wada jirkaas waxaa wax looga qaban karaa xaaladaha gobolada Puntland, xag amni iyo xag horumaniba.
  1. Ugu danbeyn arrinta ka tagaan Jubaland, gaar ahaan tan maanta ka socota Gedo, yaan la dhayalsan. Balse qoraal kale ayaan isku deyeyaa inaan wax ka iraahdo.

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.

Abdihakim H. Hersi.