Shirkadii Barakaat oo xayiraadii laga qaaday

Waaxda Maaliyadda ee dalka Mareykanka ayaa Arbacadii liiska shirkadaha xayiraadda lagu soo rogay ka saartay shirkadda Barakaat ee laga leeyahay Soomaaliya.

Barakaat oo ahayd bangi iyo xawaalad ay hanti farabadan taallay ayaa cunqabateyn lagu soo rogay bishii November ee sanadkii 2001-dii, dhowr bilood uun kaddib markii uu dhacay weerarkii argagixiso ee Mareykanka laga fuliyay 11-kii September, 2001-dii.

Shirkaddan ayaa xilligaas lala xiriiriyay inay gacansaar la lahayd shabakadda Al-Qaacidda, inkastoo ay dhankeeda iska fogeysay eedeymahaas.