Cabdiraxmaan C.Warsame oo ka hadlay Waraysigii la yaabka lahaa ee Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo wuxuu waraysigiisa uu Universal siiyey ku sheegay in doorashadii 2016 kii dhacday aysan sharci ahayn oo ay Dastuurka dalka waafaqsanayn. Waxaan ka rabnaa in uu noo sheego sida uu Madaxweyne ku yahay? Mise inqilaab ayuu dalka ku qabsaday sida dhaqankiisa ka muuqata? Mise waa farriin hor dhac ah oo ka dhigan doorasho uu isagu qaban in aysan sharci ahayn?

Waxaan kaloo ka rabnaa in uu noo sharraxo sida ciidanka uu Gedo ku dhurayo xadka Soomaaliya u difaacayo, iyadoo ay Kenya ciidankeedii gudaha Soomaaliya ku jiraan, mise dhabarkeeda ayuu xadka ka Ilaalinayaa? Sideey Itoobiya ku joojisay faragelinta Soomaaliya, sow tii ay isku maqaam ku qaabishay isagaiyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, mise Madaxweyne Farmaajo Somaliland wuxuu u aqoonsaday dal aynu deris nahay?

Waraysiga waxaa iiga soo baxay in Madaxweynaha iyo wiil aan adeerkiis ahay oo Facebook ka difaaca ay isku garasho siyaasadeed yihiin, sababtoo ah fadhi ku dirirkii uu wiilku Facebook la fadhiyey ayuu Madaxweynihii fagaaraha la yimid. Haddii garasheedana lagu soo xadgudbo waa in aan is difaacnaa.