DIB U XASUUSO XASUUQII MAJEERTEENEE DOWLADII KACAANKA!!!!

Taariikhda wax ka baro!.

Kadib burburkii dagaalkii Ogaadeenya, koox saraakiil ah oo ka tirsan Militariga Somaliya aadna loo ixtiraamo,ayaa isku dayay Afgambi ka dhan Taliskii Siyaad Barre bishii Abriil 1978.

Af-gembigaas waxas hoggaaminayay Gaashaanle-sare Max’ed Shiikh Cismaan (Cirro) oo kasoo dhalasho ahaan qabiilka Majeerteen.

Markii afgembigii fashilmay 18-ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay oo dhamaantood Majeerteen ahaa kuna jiro Cirro,ayaa si wadar ah loo toogtay.

Mid ka mid ah saraakiishaas oo isna ka soo jeeday Beesha Majeerteen Korneel C/laahi Yuusuf Axmed ayaa baxsaday.

Csbdullaahiwuxuu Aas-aasay Jabhaddii ugu horeysay ee Somaliyed oo markii hore loo yaqaanay SSF kadibna isu badashay SSDF.

Dabadeed kelitalis-kii Siyaad Barre wuxuu u diray Deegaamadii sy beesha Majeerteen Deganaayeen,gaar ahaan Gobolka Mudug ciidamo kala duwan oo ay ku jireen kuwii loo yiqiin Koofiyad-cas (Red Berets).

Ciidamadaas waxay si xiriir ah u burburiyeen hanti aad u faro badan,waxay ku sameeyeen cuno-qabateyn biyaha ah iyagoo burburiyay baraagihii keydka biyaha & daaqsimadii xoolaha ee dhulkaas.

Bilihii May & Jun oo keliya sanadkii 1979-kii in badan 2000 oo qof oo beesha Cumar Max’ud ka soo jeeda una badnaa caruur & haween,ayaa haraad u dhintay intaa in le’egna waa la xasuuqay.

Magaalooyinkaas waxaa lagu kufsaday dumar aad u badan waxaana la laayay xoolo ka badan 50,000 oo geel ah, 10,000 oo Lo’ ah iyo 100,000 oo Ari ah.

Dhibaatooyinkaas intaa le’eg wax garowshiyo ah lagama bixin. Waxaase la yaabka ugu weyni yahay in dadka dhibaatadaas soo gaartay weli lagu hayo naceyb, daandaansi & ku digasho. Qaarkoodna waxay isu badaleen weeraro hubeysan oo burburkii Somaliya ilaa & hadda ku socda.

Waxaan soo jeedin lahaa in maanta wixii ka dambeeya taariikhdaa Madow iyo waxa la midka ah ee xasuuqa beesha Majeerteen loo geystay la qoro, la diiwaan geliyo lagana dhigo iskuulada si bulshada soo koreysa ugu cibra-qaataan.

Warbixin hore oo la turjumay.