Farmaajo xilkii ka qaaday Xaaskii Madaxweyne Gaas

Farmaajaha aan waxba ogayn,ayaa maanta kala diray Gudigii Bangiga dhexe oo ka koobnaa 5-ta Qof si uu meesha uga saaro Marwo Hodan.

Gudigan,ayaa lagu qaybiyaa nidaamka hab qaybsiga Somalida ee 4.5.

Marwo Hodan Siciid Ciise oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee guud ahaan Somaliya aqoonta iyo khibrada u leh Dhaqaalaha,ayaa Gudigaas ka mid ahayd.

Farmaajo oo ka duulaya cuqdada ku qaan gaartay ee uu qabo Puntland,ayaa Marwo Hodan ku badalay Nin ay isaga ilmo adeer yihiin oo aan khibrad iyo aqoonba soo ag istaagi karin Marwada.

Waa nasiib daro dadkii dalka wax uqaban lahaa in nacayb beeleed darteed shaqada looga joojiyo.

Hodan waa PHD,ah Macalimad wax ka dhigta Jaamacadaha Maraykanka,isla markaana ah Marwada Madsxweyne Gaas.