Qodobada dastuurka kmg ah ee ay jabisay xukuumada hada jirta!!

Qodobka 1aad”

(1) Soomaaliya waa jamhuuriyad fadaraal ah, leh gobanimo, dimuqraadi ah,oo ku dhisan matalaada dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo cadalaad bulsheed.

Qodobka 4aad. Saraynta dastuurka
Dastuurka jamhuuriyada fadaraalka soomaaliya waa sharciga ugu sareeya dalaka , isagayna xukuumadu u hogaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aanada siyaasadeed ee qaybaha dowlada oo dhan.

Qododka 10aad”

(2) Karaamada aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhowrsteeduna waa waajib saaraan dadka oo dhan.
(3) Awoodda dawlada waa in aan maenaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada aadanah.

Qodobka 11aad”

(2) waa fal takoorid ah haddii natiijadiiso noqoto is-hortaag ama ciriirigalin xaqa qofka, xataa hadii falka aan si ulakac ah aan loo samayn


Qodobka 33aad”

Go’aammada ka soo fula maamulada waa in ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go,aan ka gaaristoodana loo maray hannaan caadil ah.

Qodobka 45aad”

Dawlada xubinta ka ah, dawlada fadaraalka ah
(6) ugu yaraan laba gobol iyo wixii ka badan ayaa ku midoobi kara dawladaha xubinta ka ha dawlada fadaraalka, ayaga xor u ah go’aankooda.

Qodobka 53aad”

Ayada oo la qadariyo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumada fadaraalku waa in ay dawlad-goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibada,ganacsiga, cahdiyada ama arimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

Qodobka 87aad”

(1) (b) astaanta midnimada qaranka
(2) Madaxweynahu wuxuu xilka u gudanayaa si waafaqsan dastuurka

Qodobada110″

(3) Guddi madaxbanaan marna ma hoos imaanayo,kamana amar qaadanayo qof ama hay’ad awood xukun leh midna.

111aad”

Dalku wuxuu yeelan doonaa guddiyo madaxbanaan oo heer fadaraal iyo heer dawladaha xubnaha ka ah.

120aad”

Dhismaha laamaha sharcidajinta iyo fulinta ee maamulada dawladaha xubinta ka ha dawlada fadaraalka waa arrimo lagu nidaaminayo dastuurka.

Jibril Qoobey.