Fadaraalka Somaliya ay ubaahan tahay waa noocee?

Waxaan jeclahay inaan sharaxaad kooban ka bixiyo sababta Waddamadu u qaataan Nidaamka Federaalka.

Dalka iyo Dadka qaadanaya nidaam Federaal ah waxaa sababa marka ay dhunto kalsoonida lagu qabo Maamulka Dowlad Dhexe sida:

1. Dalka oo dhib weyn ka dhacdo sida Civil War ay sababaan kaligi talisnimo (Dictatorship, Diin iyo Luuqado kala duwanaansho) haddaba si Dalkaas la isugu hayo waa in Awoodda la qeybiyaa (holding together). Sida Nigeria, Russia, India Iwm

2. Qeybo Dalka ka mid ah oo go’aansada in ay dhibaatooyin dhacay awgeed ay uga baxaan Midowga Guud. Ama ay Dadka qaar u arkaan in gooni isu taagu u roon yahay. Haddaba si Dalkaas la isugu hayo ayaa Xukunka loo baahiyaa (Federalism model – coming together) sida USA, Australia, UAE iwm.

Somalia waxay geleysaa labada model ee Federalismka. Kan Kowaad waa isku haynta intii Talyaanigu Gumeystay iyo Wixii dhacay laga soo bilaabo 1984 (Holding Together). Tan labaad, soo celinta Gobollada Waqooyi ee ku dhawaaqay goosashada sidii Midowga Guud loogu soo celin lahaa (Coming Together).

Haddaba si nidaamkaas u shaqeeyo waa in la qeybsadaa Awoodaha si Dastuuri ah.

Heerarka Dowladnimo:
1. Dowladda Dhexe:
Arrimaha Dibedda, Ciidamada Militaryga, Furdooyinka, Madaarada, Socdaalka iyo Jinsiyadda, Canshuuraha Sare iwm

2. Dowlad Goboleedka:
Caafimaadka, Waxbarashada, Bay’ada iyo Degaanka, Ciidanka Policeka, Taargada Baabuurta, Canshuuraha heer Gobol iwm

3. Dowladaha Hoose:
Nadaafadda wadooyinka, Gaadiidka Magaalada, Garoomada Cayaaraha, Shatiyada Ganacsiga yar yar iyo Canshuuraha ka soo hara labada kore.

Mararka qaarkood waxaa jira Shaqooyin wadaag u ah labada heer Dowladadood ama Saddexdaba (concurrent provisions)

Nidaamka Federaalka waddamada uu aad uga hirgalay waa kuwa addunka ugu qanisan uguna awood badan dhinaca ciidamada sida USA, Russia, Germany, Canada, Nigeria, Australia iwm.

Soomaliya waxay u baahan tahay in si Dastuuri ah loogu heshiiyo howsha loo kala igmanayo heerarka Dowliga ah ee kala duwan ( Functions and Jurisdictions). Is jiid jiid waa gacma Daalis! Shacabku waa Daalay!!

WQ.Burhan DIO MIO