Ciidamada Jubaland oo weeraray fariisimo Alshabaab

Cutub Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ka baxay magaalada Kismaayo oo ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa dagaal adag la galey maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayey duleedka deegaanka Qooqaani oo 150KM u jirta magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo lagu jabiyey aragagixisada ayaa lagaga diley 8 kamid ah maleeshiyaadka ay marin habaabiyeen halka ciidamada Jubbaland ay ka shashiidey laba askari oo ku nafwaayey gaari miino la kacdey intii ay dagaalka ku jireen halka 2 kalena ay ku dhaawacantey dagaalkaas kadib ciidamada ayaa gaarey deegaanka Qooqaani.

Guud ahana deegaanada Jubbaland waxaa maalmihii ugu danbeeyey ka socdey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo nabadiidka lagaga xoreynayo deegaanada ay haraadiga ku yihiin ee Jubbaland sidoo kalana la iskugu furayo deegaanada xorta ah.