Dib uhabaynta Ciidamada oo gaartay Carmo

Xarunta Akadeemiyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka barri waxaa gaaray gudiga dib uhabaynta Ciidamada Dawladda Puntland.

Masuuliyiinta hawlgalka shaqo u tegay degmada Carmo waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada, Wasiirka Amnig, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta iyo Abaan duulaha Ciidamada Daraawiishta Gobolada barri iyo Karkaar.

Gudiga ayaa la kulmay Ciidamada Daraawiishta ee Deegaanka YALHO IYO KARIN dhamaana Ciidamadu waxana ay mareen Diwaan galinta habka Casriga ah ee Ciidmada.

Sidoo kale Xarunta Akadeemiyada Booliska ee degmada Carmo waxaa gaaray Kooxaha diwaan galinta iyo Baarista Dhiiga oo uu Hoggaaminaayay Mahdi Qambi.

Gudiga dib uhabaynta Ciidamada ayaa wali ku guda jira diwaan galinta Ciidamada Dawladda Puntland ee Gobolada.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland