Hawlgalo ka socda Jubaland

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab,ayaa sameeyay hawlgallo ballaaran oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab kaga sifeynayaan Deegaanada dhaca aaga Degmadda Jamaamme.

Ciidanka,ayaa ka gudbay wabiga Jubba,iyagoo gaaray Deeganada ku dhow Jamaamme halka wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka wadaan Deegaanada Kooban, Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka wabiga dhaca.

Saraakiisha ciidanka,ayaa sheegay in hawlgalkan uu socdo, lagana sifeynayo Al-Shabaab guud ahaan deenada Jiinka Wabiga.

Waxaa jira khasaare la gaarsiiyay argagixisadda, waxaa laga dilay sideed maleeshayda kamid ah.

Miinoyin badan oo dhulka lagu aasay ayeey ciidanka soo saareen.

Wixii hawlgalkan ka soo kordha kala soco Jubbaland TV