Baanka Dhexe ee Puntland oo dhisme casriya loo dhisayo

Shirkadda Albashid Construction Company – ACC iyo Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland (State Bank of Puntland) ayaa kala saxiixday hishiis dib u dhis loogu sameenayo Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland xaruntiisa Garowe oo laga dhigi doonaa dhisme 3-dabaq ah oo loo dhisi doono qaab casri ah

Dhismaha Bangiga ayaa qayb ka ah mashruuca Tayanta Hay’adaha Dowlada Puntland waxaana lacagta ku baxaysa dhismaha bixin doonta Dowladda Puntland.