Video:-Sh.Shariif”Dalkan Cajalado FC oo la jarjarayo laguma Xukumi karo”

“Dowladda mugdiga ay kujirto haka soo baxdo. Anaga wax aan fiicneen ayaa inoo muuqda. Hadhow hadii ay wax dhacaan waxaa lagu leeyahay maxaa uga hadli weysay”

“Hadii Facebook iyo cajalado la jarjaray la moodayo in dalkaan lagu xukumi karo aniga taas ma moodaayo in ay dhici karto”

“Wada hadal iyadoo aan la bilaaban maxaa Hargeysa loo aadayaa. Hadii la aadayana maxaa dariska hooshaas galiyay. Waa sabab kamid ah dagdaga. Aniga ma fahmin”

“Dowladda ma ahan dad ama koox yar oo meel isku tagay oo sida ay doonaan wax u sameen kara. Dowladnimada waala wada leeyahay. Xilkaan la isku dhajinaayana cid gaar ah malahan saas ha u ogaadee “

“Waa in sida wax loo wado wax laga badalaa hadii dalkaan larabo in loo turo. Hadii awood iyo waxan rabaan sameynaa meesha timaado wixii laga helo laleeyahay”.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay xaalada dalka uu marayo.

Halkan ka daawo muuqaalka