Gadoodkii Ganacsatada Mudug oo la xaliyay

Maamulka Gobalka Mudug, maamulka Degmada Gaalkacyo, taliska qaybta Gobalka Mudug,ayaa ganacsatada magaalada Gaalkacyo ka raalli-geliyay xarig, jirdil iyo handadaad,

Talaabadaas,ayay sheegeen in wado sharci darra ah loo maray,taasoo ay Khamiistii gaysteen xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ganacsatada,ayaa laga codsaday in ay dib u furaan xarumahooda ganacsi.

Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa qaatay raalligalinta, codsigana aqbalay, waxaana Guddi loo saaray cabashada ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasinka Maaliyada Gobolka Mudug,ayaa lagu eedeeyay dhibaatada ganacsatada loo gaystay.

Bulshadu waxay codsanaysaa in la xisaabtanka Agaasinka lasii wado.waxayna aad ubogaadiyeen faragalinta Dowlada Dhexe ee Puntland.