Caalamka oo dhabarka ujeediyay Farmaajo luuqad adagna kula hadlay!!!.

Dharbaaxo diblomaasi oo aad u xoog badan,ayuu kala kulmay Farmaajo beesha caalamka oo uu isku qancinayay in ay wax badan kala og tahay qorshayaasha uu wado.

Sida muuqata waxaa loo sheegay Farmaajo iyo kooxdiisa in aan raali laga ahayn sida uu wax uwado.

Dhamaan qorshayaashiisa waxaa lagu tilmaamay kuwo baalmarssn waxii laysku ogaa.

Ciidamada uu Gedo ku daabulay waa lagu diiday amar cadna waxaa lagu siiyay in uu dib usoo cesho.

Barnaamijkiisa doorashada waxaa loo sheegay in uusan macno samaynayn hadii aysan Dowlad Goboleedyadu qayb ka ahayn.

La dagaalanka Alshabaab waxaa loo sheegay in uu ku fashilmay khasabna ay tahay xiliga uharay in uu kala shaqeeyo Dowlad Goboleedyada.

Dhaqaalaha beesha caakamka ku bixiso amaanka,waxaa loo sheegay in uu waxii lagu heshiiyay uusan ku bixin digniina laga soo saaray.

Weerarada iskugu jira siyaasada iyo Milatariga ee uu ku hayo Dowlad Goboleedyada waxaa loo sheegay in aan loosii dulqaadan karin oo ay tahay in uu soo afjaro.

Jubaland waxaa loo sheegay in ay tahay maamul la aqoonsan yahay,isla markaana uu hor fariisto Madaxweyne Axmed Madoobe,si gaar ah Gedo in uu dib uga soo saaro Ciidanka uu ku daad gureeyay,ayaa la faray.

Kulanka Golaha amaanka waxuu umuuqdaa mid waji gabax ay kala kulantay Dowlada Villa Somaliya.

Caalamkuna waxuu muujiyay in hogaaminta Farmaajo aysan ku faraxsanayn wax horumar ahna aysan Dalka usoo kordhin.

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa umuuqda kuwo doodii ay kaga soo horjeedeen Dowlada dhexe ay umeel martay,dabaysha siyaasadeedna ay dhankooda usoo dhacayso markan.

Isku soo wada duuboo beesha caalamku waxay Fiiladii kala sii baxaysaa Farmaajo iyo kooxdiisa luuqadii ugu adkaydna waa loo isticmaashay.

Jibril Qoobey.