Golaha amaanka oo dhaliilay qorshaha doorasho ee Dowlada Farmaajo

“Sharciga doorashada mahan wax la fahmi karo oo waa lagu wareerayaa,door ma siinayo dadka laga tirada badan yahay iyo Haweenka,Dastuurka waa ka hor imaanayaa,isla markaana Somalidu ma ogola”sidaa waxaa yiri wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya.

Halkaas waxaa ku dhimatay rajadii kooxda Nabar iyo Naxdin ee ay qorshaysteen.

6-bilood oo ku darsasho ah in ay Baarlamaanka horgeeyaan,kadibna Xildhibaanadu ka doodaan soona jeediyaan in aysan mudadaasi ku filnayn hirgalinta doorasho qof iyo Cod ah oo ay markaas 18-bilood guud ahaan hay’adaha Fadaraaliga ah ugu daraan ayay quudaraynayeen kooxdu.

Balse jab iyo naasa beel siyaasadeed,ayaa ku dhacay,waana looga adkaaday kubadii.