Video:-Maraykanka oo ka hor yimid weerarka Gedo ee Dowlada Farmaajo

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Hunter oo sii wata hadslkiisa,ayaa sheegay in mas’uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda.

The deployment of SNA troops to a politicaly motivated offensive in the Gedo region of Jubaland is unacceptable… We call president Farmajo to end the Somali national army offensive in Gedo and for president Farmajo and Jubaland president Madobe to each commit dailogue and reconciliation.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan Gobolka Gedo, isaga iyo Mdaxweynaha Jubaland ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Ciidamada milateriga Dowladda Fadaraalka ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay Gobolka Gedo, loogana dagaal geliyay ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter.

Halkan ka daawo muuqaalka