Video:-Wasiirka Caafimaadka Iran oo uu haleelay Carona Virus

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli ay Iiraan ahdda si weyn ula tacaaleyso cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalkeeda, ilaa haddana dilay 15 ruux.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Iraj Harirchi uu ku dhacay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, uuna hadda ku jiro karantiil.

Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa dhanka kale ku boorriyay dadka reer Iiraan inaysan argagixin, isagoo yiri: “Waan ka gudbi doonnaa Caabuqan”.

Saraakiisha Iiraan ayaa isbuucii lasoo dhaafay xaqiijiyay in 95 ruux uu ku dhacay Corona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada saxda ah ay aad uga badan tahay intaas.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”.

Agaasime goboleedka hay’addan Qaramada Midoobay hoos tagta ayaa la filayay inuu Iiraan u duulo maalintii Talaadada, laakiin safarkiisa ayaa dib loo dhigay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka