Video:Fadhigii Golaha amaanka oo Dowlada Farmaajo lagu weeraray

Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)

Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay,ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ayaa ka jeediyay khudbado ay kaga war bixinayaan xaaladda siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan amni ee Somaliya.

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda Gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan Gobolkaasi.

Rodney Hunter,waxuu sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidamada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalka.

Sidoo kale waxuu ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubaland ee ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay Gobolka Gedo.

“Ciidamada milateriga Dowladda Fadaraalka ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay Gobolka Gedo, loogana dagaal geliyay ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter.

Hunter oo sii wata hadslkiisa,ayaa sheegay in mas’uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan Gobolka Gedo, isaga iyo Mdaxweynaha Jubaland ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hunter, waxuu carabka ku adkeeyay in horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkail iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Mareykanka waxuu aad uga walaacsan yahay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo muddooyinkii dambe sii xoogeystay, waxuuna sheegay in xallinta arrinkaas ay kala hadleen madaxdavDowldda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka .

Halkan ka daawo muuqaalka