Video:-Jubaland oo ka hadashay kulankii golaha amaanka

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dawlad goboleedka Jubbaland ay taageertay qodobadii laga soo saaray shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirku wuxuu sheegay in qodobada ay shirkaas ka sheegeen wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo isku duwaha siyaasadda ee Maraykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka Rodney Hunter ay yihiin kuwo ay horay Jubbaland ugu baaqday in laga shaqeeyo isla markaana ay sheegtay in aan la aqbali karin hab dhaqanka gurracan ee dawladda federaalka dalka.

Dhibaatada iyo colaadda ay dawladda federaalku ka hurinayso gobolka Gedo oo hadda qarka u saaran in ay dagaallo ka qarxaan ayuu wasiirku beesha caalamka uga mahadceliyey garowshiyaha ay ka muujiyeen dhibaatada halkaasi ka taagan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale tacsi u diray ehellada masuuliyiintii ay kooxda argagixisada Al Shabaab ku laysay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Halkan ka daawo muuqaalka