Machadka SIDRA oo warbixin been abuur ah ka diyaariyay Dhalinyarada Puntland iyo Doorka Al-shabaab!!!!!.

Waxaa dabayaaqadii sanadkii 2019-ka bishiisa November cilmi-baaris ay soo saartay Machadka cilmi-baarista SIDRA lagu soo daabacay warbixin la xiriirtay Xagjirnimada Dhalinyarada Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Dhalinyarada Puntland iyo xiriirka ururka Al-shabaab.

Warbixintaas,ayaa falcelin iyo isweydiin badan ka dhex abuurtay aqoonyahanka iyo waxgaradka diirada ku haya siyaasada iyo horumarka Puntland.

Warbixintaan,ayaa umuuqatay mid lagu
horumarinayo fikirka Al-shabaab lagana dhigayo mid ku faafsan guud ahaan Soomaaliya,

Puntland iyo shacabkeeda,ayaa warbicinta lagu muujiyay in ay yihiin dad (Concervative) asal-raac ah oo si qarsoon u qaba fikirka kooxaha argagixisada ah.

Dhalainyarada Puntland,ayay warbixibtu ku sheegtay in ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ah fikir ahaan, halka dhalinyarada koonfurta Soomaaliya ay ugu
biiraan Al-shabaab asbaaba la xiriira dhaqaale doon iyo awood raadis.

Warbintaas usoo saaray Machadka SIDRA ,ayaa meel ka dhac ku ah shacabka iyo Xukuumada Puntland,waana mid xogo been abuur cad ah lagu saleeyay.
.
Reer Puntland oo ku guulaystay ilaalinta amniga iyo xasiloonida degaanadooda si wadajir ah,ayaa ka badbaaday fikrada xagjirnmada ah ee kooxaha argagixisadu faafiyaan..

Hadaba Xuseyn Cali Ladane,waa Ninka qoray warbixintaas sawirka been abuurka ah ka gudbinaysa Puntland.

Xuseyn waa kuma’?.

Kama soo jeedo Puntland Deegaan ahaan iyo dhalasho ahaanba,waana qurba joog xili hore dalka dib ugu soo laabtay

Xuseyn waa Nin nacaybka reer Puntland ku fogaaday si gaar ahna dagaal ugula jira nidaamka Fadaraalka. Waa nin aan Sumcad fican ku lahayn dalka Finland oo uu kasoo laabtay, halkaas oo denbiyo Treasonable offence ah uu ka galay, isagoo Masaajidka weyn iyo Jaaliyada Guud ee Soomaalida dacwooyin been ah ka sameeyay.

( Denbiyadaas iyo faahfaahinadooda gadaal baan idinkala wadaageynaa!).

Waa Nin kasoo shaqeeyay kuna xiran xarumo badan oo khatar ku ah Puntland.

Machadka cilmi-baarista ee Heritage Institute,ayuu ka shaqo bilaabay,kadib wuxuu uga diga rogtay Xaafiiska Madaxweynaha Fadaraalka qaybta xiriirka Bulshada oo mudo gaaban oo 6-bilood ah kasoo shaqeeyay,in tuusan markale dib ugu laaban Machadka Heritage.

Xuseyn xiligan waxuu ka shaqeeya Machadka SIDRA ee Garowe oo uu aas-aasay Guuleed Saalax oo ah Gudoomiyaha Gudiga doorashada Puntland.

Sida aan xogta ku helnay ka shaqo bilaabistiisa Machadka Sidra waa mid ay ka danbeeyeen Madaxda Machadka Hieritage ee Muqdisho,waxaana si gaar ah loo tilmaamaa in Cabdiarshiid Xaashi ka danbeeyay shaqo helistiisa Garowe.

Sida ilo lagu kalsoonaan karo ay noo xaqiijiyeen Machadka Sidra,ayaa hada noqday Xaafiis hoos taga Machadka Heritage ee uu hogaamiyo Cabdirashiid Xaashi.

Heritage,ayaa u isticmaasha Sidra xarun ay kusoo gudbiyaan waxii ay iyagu uga gabadaan amaan ahaan,Sumcad ahaan ama dano gaar ahaaneed.

Guuleed Saalax waxaa looga fadhiyaa in uu warbixntaas raali galin buuxda ka bixiyo

Ugu danbayntii Machadyada ka hawlgala Puntland waxaa looga digayaa in ay ka fiirsadaan Dadka ay shaqada siinayaan oo ay gacanta ugalinayaan Masiirka Umada.

Xigasho:-idil News.