Wararkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb iyo Guriceel

Ciidamada daacada u ah Madaxweynaha sharcig ah ee Galmudug Sh.Axmed Shaakir,ayaa difaacday xarumihii fariisinka u ahaa kuwaasoo ay Xalay weerar gardara ah kusoo qaadeen Maleeshiyaadka Villa Ayaan-daran.

Xabadu waa istaagtay qolo walbaana halkeedii ayay difaac uga jirta,waxaana soo kala gaaray gurmadyo.

Ciidamada Amisom oo damcay in ay kala dhexgalaan labada dhinac,waxaa diiday dhanka Billa ayaan-daran oo u arka in ay iyaga bahdil ku tahay.

Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in wax iska caabinta Ciidamada Madaxweyne Shaakir ay sii socoto dibna kala danbaynta loogu soo celiyo guud ahaan Galmudug.

Dagaalka maanta waxaa ku geeriyooday in ka badan 10-Qof,waxaana ku dhaawacmay 20-kale,iyadoo khasaarahaas masuuliyadiisa ay qaadanayso kooxda Villa ayaan-daran oo kusoo duushay dhul nabad ah oo laga sifeeyay Alshabaab.

Jibril Qoobey.