Turkiga oo burburiyay fariisimo Ciidamada Siiriya leeyihiin

Ciidanka dalka Turkiga,ayaa burburiyay fariisimo ciidanka Syria ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee dalkaas, Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in howlgalkaas lagu burburiyay 8 diyaaradood oo Helicopter ah diyaarad Drone ah iyo 100 gaadiidka Taangiga ah oo ay lahaayeen ciidanka Syria,

Sidoo kale waxaa ay warbaahinta Turkigu sheegtay in 2000 oo askarta dowladda Syria ah lagu dilay howlgalkaas waxaana ay arintaasi ka dambeysay markii Idlib lagu dilay maalmo ka hor 34 ka tirsan ciidanka Turkiga.