Madaxweyne Mustafe oo Walaalkii la weeraray

Nin hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Tooreey ku qaaday Nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, kaasi oo uu soo gaaray dhaawac Culus.

Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed,ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur, taasi oo la tilmaamay inuu isaga maamule uu ka yahay.

Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa Tooreyda ee weerarka ku qaaday Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isku dayay inuu falka kadib goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay.

Waxaa jira nacayb xoog badan oo loo qaaday Madaxweyne Mustafe kadib hogaamintiisa aadka loo dhaliilay ee Deegaanka