Puntland iyo Jubaland oo iskaga baxay qorshihii dayn cafinta Somaliya

Wasaaradda maaliyada Jubbaland,ayaa hakisay ka qeyb galka shirarka looga arrinsanayo arrimaha maaliyada iyo deyn cafinta.

Halkan ka akhriso

Sidoo kale Wasaarada Maaliyada Puntland ,ayaa iyaduna hakisay ka qaybgalka shirarka looga xaajoonayo arimaha Maaliyada iyo dayn cafinta.

Talaabadan,ayaa kusoo aadsysa,iyadoo todobaad kadib la qorshaynayay in ay Baydhabo iskugu yimaadaan Wasaaradaha Maaliyada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Wasaarada maaliyada Dowlada dhexe.

Fadhiga baaqday,ayaa qayb ka noqon lahaa qorshihii dib uhabaynta Maaliyada iyo Dayn cafinta ee horay usoo socday.

Hakinta ay hakuyeen Puntland iyo Jubaland qayb kasii ahaanta hanaankii muhiimka ahaa ee dayn cafinta waxay waji gabax ku tahay Dowlada dhexe.

Beesha caalamka,ayaa aad uga niyad jabtay go’aanka Puntland iyo Jubaland,sida aan xogta ku helayna waxay Dowlada Fadaraalka dusha ka saartay dib udhaca soo wajahay qorshihii dayn cafinta ee socday.

Jibril Qoobey.