Turkey oo Soomaaliya ka abuuraya dagaal sokeeye?

Turkey oo Soomaaliya ka abuuraya dagaal sokeeye?

Dowladda Turkiga ayaa u muuqata mid Soomaaliya ka abuureysa colaad sokeeye oo salka ku heysa qabyaalad, muddo soddon sano ah kaddib oo dalka ay ka dhacayeen dagaal beeleedyo hubeysan oo khasaare naf iyo maalba leh geystay.

Dowladda federaalka oo ay hoggaaminayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa wadda saansaan colaadeed oo dalka dib ugu celin karta dagaalkii qabiilka ee uu ka soo gudbay.

Qorshahani dowladda Turkiga ay dagaal qabyaaladeed uga abuureyso Soomaaliya, ayaa waxaa ka dambeeya dhowr ujeeddooyin oo xukuumadda Ankara ay ka leedahay kheyraadka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Xukuumadda Ankara ayaa tuhunsan in haddii ay la wareegto xakameynta siyaasadda dalka ay u suurtageli karayso in ay si dhib yar ku qaadato kheyraadka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka iyo macdanta dhex ceegaagta barriga iyo baddaba.

Turkiga ayaa madaxda Villa Somalia ka saaciday sameynta malleeshiyo beeleedyo uu u tababaray si ay u noqdaan ciidan qaran hayeeshee maanta loo adeegsanayo dagaallo sokeeye oo dalka ka dhacaya.

Siyaasadda Khaliijka: Qatar iyo Turkiga oo isla safan ayaa taageero dhaqaale iyo mid maskaxeedba ku garab istaagay Farmaajo iyo Kheyre si ay u helaan awood ay ku maquuniyaan dowlad goboleedyada.

Arrintani ayaa ka dambeeysa markii ay Qatar iyo Tukey istuseen in Sacuudiya Careebiya iyo Imaaraadka Carabta uga awood roonaadeen gobollada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland taasoo keentay qorshaha sameynta ciidanka sanadkii 2018-ka.

Haddaba xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay soo jireen qaar kamid ah ciidamada maanta dowladdu u adeegsanayso dagaal beeleedyada maxaa weeye sababta sidaas loogu dhiiranayo.

Xasan Sheekh, madaxweynihii hore waligiis duulaan dowlad goboleed uma uusan adeegsan ciidanka qaranka oo u badan kuwa ay tabareen dalalka shisheeye.

Qatar, oo waligeed xasaradaha Soomaaliya ka shaqeeyn jirtay ayaa u suurtagashay in ay la wareegto hay’adda NISA, islamarkaana ay awood ahaan iyo magac ahaanba burburisay hay’addaasi qaran.

Dowladdani Soomaaliya oo dhan waxaa ay ka taageertaa hal shakhsi “FAHAD” iyo hal koox “ALSHABAAB”, waxaana ay ku guuleysatay in ay hay’adda NISA iyo hay’ado kale keensato saraakiil sar-sare oo Alshabaab ah.

1- Ciidankii Imaaraadka;

Xilligii Xasan Sheekh waxaa Muqdisho ka aas-aasmay xero ciidan oo Imaaraadka Carabta saraakiil u dhashay ay ku tababarayeen malleeshiyo beeleedyo Soomaaliyeed, mana dhicin taariikhda in ciidankaasi ay qabiillo Soomaaliyeed ku duuleen.

2- Qorshahii Qatar oo hirgalay:
Xeradaasi gebi ahaanba waxaa la xiray, waxaana dalka laga eryay saraakiishii Imaaraadka u dhashay, waxaana qorshe ay xukuumadda Qatar wadatay iyagoo labada dowladood ee Qatar iyo Turkiga u ballan qaadeen Villa Somalia in ay kaalintii Dubai u buuxin doonaan.

3- Xerada ciidanka Turkiga ee Muqdisho:
Dowladda Turkiga ma waxaa ay xeradaan u sameeysay in lagu tababaro ciidamo qaran oo Soomaali oo dhan ay ku heshiisay mise ciidan qabiil oo qabiil kale weerara, waa su’aasha maskaxdayda ka guuxeysa ee aan jawaabta u waayay?

Ciidankani loogu yeero “HARAMCAD” dharka iyo hubka ay sitaan waxaa siisay dowladda Turkiga.

Turkiga oo Soomaaliya ka caawineysay arrimaha bulshada (gargaarka caafimaadka) ayaa hadda isku rogtay siyaasad marka dadka arka wanaagga Turkiga farriintaas ha gaarsiiyaan dowladdaasi.

4- Dib u dhaca doorasho 2021:
Doorashada Soomaaliya 2021 waa mid aad u xiisa badan, waxaase su’aashu ay noqonaysaa nimanka Villa Somalia fadhiya ee fashiliyay doorashooyinkii dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo tii Puntland oo ay isku dayeen inay qash-qashaadaan miyaa laga sugayaa qabashada doorasho guud. Farmaajo iyo Kheyre inta aan ka arkay maaha niman aaminsan doorasho in ay waddanka ka dhacdo waana niman u diyaargaroobay dagaal maadaama ay ciidan sameeysteen.
Ka Danjire ahaan Caalim uma malaynayo in dalka doorasho ay ka qabanayso Villa Somalia marka aan odrosay wixii ay gobollada kula kaceen.

5- Danta Turkiga uu ka leeyahay

Madasha Qaran Istanbuul, waxaa ku soo gebageboobay shirka madasha qaran, waxaase isweydiin mudan ma jirto wax war ah oo ka soo baxay heshiiska labada dhinac.

Waxaa intaas dheer in Madasha Qaran ay kari waayeen in dowladda Turkiga ay yiraahdaan faragelinta siyaasadda dalka ka dhaaf.

Qorshaha Turkigu ka lahaa shirkaasi baa ah mid lagu cabsi gelinayo nimankani madasha axsaabta qaran ee Soomaaliya si damaca ay wataan ay uga fushadaan dalka.

Gunaanadka danjiraha Waxaan umadda Soomaaliyeed, axsaabta siyaasadda, dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo siyaasiyiintaba u soo jeedinayaa in qorshahani dagaalka sokeeye looga abuurayo dalka laga digtoonaado islamarkaana dagaal uusan wiil ku dhalan mid ku dhinta mooyaane.

Qorshahani gurracan oo mansabka iyo kursiga kaliya la dhaafsanayo dhiigga umadda Soomaaliyeed waa ayaan-darro qofkii siyaasi ah ee ku lug yeeshana taariikhda ka gali doona baal madoow.
Ka danjire ahaan waxaan aaminsanahay in madaxda Villa Somalia ay gabaabsi yihiin oo waqti yar uu u dhiman yahay, waxaase walaaca aan qabo uu yahay in shacab nabad ah loo horseedo colaad iyo dhiig ku daata macno darro.

Danjire Maxamed Nuur (Caalim)Fallanqeeye siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliya ka soo shaqeeyay dowladihii u horreeyay burbuka kaddib,
Ku nool: Helsink, Filand
Email: Caalim68@hotmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/caalim68