Xisbiyada Qaran oo shir uga socdo Turkiga

Waa soo afmeermay shirkii 5-tii cisho ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Xisbiyada Qaran.

Wada xaajoodka intiisa badan waxuu ku salaysnaa sidii dalka loo badbaadin lahaa,loogana hor tagi karo fashil ku yimaada nidaamkii Dowladnimo ee mudada lasoo dhisayay.

Qodobada kasoo baxay Shirka,waxaa lagu xusi karaa in la go’aamiyay Madasha ay hadda ku mideysan yihiin illaa Lix Xisbi ay noqdaan Hal Xisbi oo weyn,isla markaana doorashada soo socota si wadajir ah uga qeyb galaan.

Kadib dhismaha Xisbigaas ay ku midoobi doonaan Xisbiyada Qaran waxaa la shaacin doonaa Musharaxa Xisbigaas ee doorashada 2021 uga qaybgeli doona.

Warmurtiyeed,ayaa kasoo baxaya shirka iyo qodobada laysku raacay.

Jibril Qoobey.